Taliska Ciidanka xoogga oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Shabaab

Muqdisho | QOL | November 13, 2019–Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in taliska ciidanka xoogga dalka uu dib u dhis ku sameyn doono Ciidamada qeybta 60aad ee ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed si ay amniga u xaqiijiyaan.

 

Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay noqon doonaan kuwo hormuud u noqda Ciidamada xoogga dalka,isla markaana fuliya howlgallo deegaanno badan looga saarayo ururka Al-Shabaab.

 

 

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhawan howlgallo kala duwan laga bilaabi doono deegannada Koonfur Galbeed si tuulooyinka welki ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab looga saaro.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *