SAWIRO:-Madaxweynaha Putland Oo Maanta daah furay Bandhigga Buugaagta Garoowe

Garoowe  | QOL July 23, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta Xarunta Jaamacadda PSU Garoowe kaga qayb galay Bandhigga Buugaagta Garoowe oo sanadkii 5-aad la qabanaayo.

 

Bandhid Carweedkaan ayaa waxaa uu socon doonaa mudo Saddx Cisho ah,waxaana howlka lagu qabanayo ku sugan marti kala duwan oo ka socota inta badan deegaannada Soomaalida.

 

Madaxweyne Siciid Deni oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in ay aad u soo jiiteen qaar ka mid ah Buugaagtii lagu soo bandhigay halkaas.

 

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo Akhriska iyo Qoraalka Afka Soomaaliga,waxaana uu sheegay in goobta Bandhiga ay ka maqan yihiin Buugaagta Afka Carabiga oo ah luuqada labaad ay ku hadlaan dadka Soomaaliyeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe 

________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *