Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo Oo Soo geba-gabeeyey Safarkii uu Ku joogay Garoowe

Muqdisho | QOL | May 12, 2019 –Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ka soo  Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo muddo sagaal cisho ah Garoowe u joogey shirkii Wada-tashiga Madaxda Soomaaliyeed.

 

Sagootinta weftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoowe uga qeyb galay shirkii natiijo la’aanta kusoo dhamaaday ee dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul goboledyada,kaas oo 6 Maalmood ka socday Magalada Garoowe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *