Sawirro:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Muqdisho Kula Kulmay Safiirada Beesha Caalamka

Muqdisho | QOL | Maarso  28, 2019 –Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Fedeaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Eng Cabdi Maxamed Sabriye oo ay Wehliyaan Lataliyaa ka Tirsan Wasaaradda iyo xafiiska Risulwasaraha ayaa kulan la qaatay Safiirada Midowga yurub Ee Somaliya . waxeyna kala hadleen sidii

Siyaasadda Hanaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran oo Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen aadna loogu bogaadiyay Wasaaradda iyo Xukuumadda

“ujeedkeena waxa uu ahaa in ay nala arkaan Siyaasaddaas oo soo gabagabowday in ay nagala shaqeeyan hirgilinta hanaankaan iyo oo qorshaha wasarada yahay in loo daadajiyo heer Maamul Goboleed Degmo Tuulo waxayna balan-qaadeen in ay qeyb lexaadleh ka qaateen hergalinteeda ”

Ayuu Yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Eng Cabdi Maxamuud Sabriye oo Warbaahinta la hadlay

Waxaa kaloo laga Wada hadlay Sidii loo dadajin lahaa Mashaariicda Hormarinteed ee Midowga yurub ay ka fulinayaan mamul Gobaleedyada Dalka gaar ahaan kuwa Soo koraya Si Dadka deegaanka Mashaariicdaas ay ugu faa’iideystaan

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *