Xiisad Siyaasadeed oo ka taagan Jowhar

Muqdisho | QOL | 04 February 2019 –

Kulamo kala duwan oo looga soo horjeedo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka socda Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayaaQaranimo U  sheegay in Madaxda sare ee maamulka Hirshabeelle ay sameeyeen Musuq maasuq baahsan, islamarkaana waddo qaldan ay mariyeen Mushaaraadkii loogu tala galay

Qaar ka mid ah Wasiiradii uu Magacaabay madaxweyne Waare ayaa iscasilay, waxaana ay sheegeen in aysan u qalmin xilka loo Magacaabay oo ah mid hooseeya, waxaana ka mid ah Wasiir dowlayaal.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan ka hortagay Mooshin ay ka waddeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *