Muqdisho | QOL | Janaayo 27, 2019 —Warbaahinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigay gaari nooca gaashaman oo ay sheegeen in ay ka qabsadeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen in gaarigaan hadda ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab , waana nooca loogu tala galay Ciidamada sidda gaarka ah u tababar.
Gaarigaan oo noociisa uu yahay Tow ay ku qoran tahay astaanta Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa la dul suray calanka madow ee Shabaab astaanta u ah.
Shabaab ma aysan shaacin goobta ay ku qabsadeen gaarigaan, balse waxa ay sheegeen inay ku haystaan deegaan ka tirsan Shabellaha dhexe.
Xoogaga Shabaab ayaa xeryaha Ciidanka Xoogga dalka ee ay weeraraan ka furta gaadiidka iyo saanada Ciidanka Militariga leeyihiin.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan gaarigaan ay sheegeen Shabaab in ay ka qabsadeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
