Fariin Loo Diray Soomaalida Ku Nool Dalka Kenya,Kadib Weerarkii Dhawaan Ka Dhacay

Muqdisho | QOL | January 19, 2019 –Guddoomiyaha Gobalka Tana River ee dalkaasi, Dhadho Godhana waxa uu ka codsaday dhamaan Qaxootiga Soomaalida ku nool Kenya inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo oo uu sheegay inay Dowlad ka jirto, isla markaana uu dalku nabad yahay.

Waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay Arday heshay Deeq W/barasho kula hadlay Degmadda Hole ee ka tirsan Gobalka Tana River, wuxuuna xusay inay Qaxootiga Khatar weyn ku yihiin Ammaanka Kenya.

Guddoomiyaha Gobalka Tana River ee dalkaasi, Dhadho Godhana   waxa uu tilmaamay inay Somalia leedahay Nidaam Dowladeed oo la mid ah Dowladda, isla markaana ay Muwaadiniinta Soomaalida xor u yihiin inay meesha ay doonaan ka degaan dalkooda hooyo

Waxa kale oo uu sheegay inay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM  taageero ka geysteen soo-celinta Nabadda Somalia, isla markaana loo bahaan yhaay inay Qaxootiga Soomaalida ka cabsanin inay dalkooda hooyo ku laabtaan

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *