Mareykanka Iyo Turkiga Heshiis Ka Gaaraya Arrin Xasaasi Ah

Muqdisho | QOL | Janaayo 13, 2019 –Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Mayk Bombeeyo ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu Khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga, Mefluut Kafusogl

Bombeeyo uu sheegay inay ka wada hadleen  Xiriirka labada dal, Arrimaha Syria, Wada-xaajoodka u socda Turkiga iyo Dagaalamayaasha Kurdishka ee YPG  ee uu Maraykanku taageero iyo Muwaadiniinta Maraykanka ee ku xiran Turkiga.

Waxa uu intaasi ku daray in Ergayga Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Syria, Jiim Jeferi isbuucan u socdaalay W/bari ee dalka Syria, lana filayo inuu sida ugu dhaqsaha badan ku gaaro Caasimadda Turkiga ee Ankara, si uu Madaxda dalkaasi ugala soo xaajoodo dardar-gelinta dadaalka  siyaasadeed ee QM ee lagu doonayo in  xal looga gaaro dagaalka 8-da sanno ka socda dalka Syria.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *