Madaxweyne Dani Oo Todobaad Gudihiis Soo Saaray Wareegtadii Labaad

Muqdisho | QOL | Janaayo 13, 2019 –Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Soo saaray Wareegto  lagu joojinayo Cashuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Waxaa Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa la Ogeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda,Hay’addaha kuwa Caalamiga ah iyo kuwa gaar loo leeyahay in la joojiyay dhammaan Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale waxaa la Ogeysiiyay dhammaan Madaxda dowlad Goboleedka Puntland in la joojiyay Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii la sameeyn jiray.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waa markii labaad ee uu soo saaro Wareegto inta uu xilka Madaxtinimo Puntland haayo.

 

Hoos ka Akhriso Wareegta uu soo saaray Madaxweyne Saciid Deni

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *