Sawirro:-Shir Looga Hadlayo Tubta Dhaqaalaha Iyo Qorshaha Sanadka 2019 Oo Muqdisho Ka Furmay

Muqdisho | QOL | Janaayo 12, 2019 –Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda  Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac  ayaa Maanta  waxa ay maanta Shir gudoomisay shirka isbuuc laha oo ay isugu yimaadeen Agaasimayasha Waaxyaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas.

Kulanka waxa aad loogu falanqeyay Tubta dhaqaalaha iyo Qorshaha sanadka 2019 oo ay Wasaaradu hiigsaneyso.

Wasiir Maryan aweys Jaamac ayaa ku dhiirigelisay Agaasimeyaasha kala duwan ee Wasaarada Shaqooyinka ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed,iyada oo ku boorisay inay sii xoojiyaan.

Shiraan ayaa todobaadkiiba mar waxaa isugu yimaada Agaasimayasha Waaxyaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda  Soomaaliya,waxaana lagu gorfeeyaa Shaqooyinka adage e horyaalla Wasaaradda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *