IGAD Oo Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Ka Dalbatay In Uu La Shaqeeyo Dowladda Federaalka

Muqdisho | QOL | January 09, 2019 —Maxamed Cali Guyo oo ah ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida in ay si wadajir ah isugu tagaan Miiska wadahadalka islamarkaana kala aragti duwanaanta u dhaxeysa ku dhameeyaan wadahadal.

Waxaa uu sheegay in Hoggaanka sare ee dowladda Federaalka ah, iyo kuwa dowlad Goboleedyada in ay ka fakaraan shacabka soona afjaraan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda.

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha hoos u dhigay Soomaaliya ay qeyb weyn ka tahay Khilaafka ka dhex taagan dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Maxamed Cali Guyo oo ah ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Guddiga doorashada ee Puntland. Waxaa uu sidoo kale Mr Guyo u hambaleeyay madaxweynihii hore ee Puntland C/Wali Maxamed Cali

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *