Wariye ka tirsanaa TV-ga Universal oo ku geeriyooday qaraxii maanta

Muqdisho | QOL | Diseembar 22, 2018 –TAllaha u naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa Wariyayaasha ka howlgalayay TV-ga Universal ayaa ka mid noqday dadkii maanta ku dhintay qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho.

TV-ga Universal ayaa xaqiijiyay Geerida Cawil iyo saddex qof oo kale oo ka mid ahaa shaqaalaha TV-ga oo aysan sheegin magacayadooda.

Al-shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *