Muqdisho | QOL | Diseembar 22, 2018 –TQaraxii 2aad ayaa dhacay iyada oo ilaa hadda dadka dhimashadooda la xaqiijiyay lagu sheegay 3 Qof dad ka badan 30 kalena uu dhaawac soo gaaray.
Sawirro laga qaaday goobta ayaa muujinaya bur bur xoog leh oo soo gaaray agagaarka goobihii ay ka dhaceen qaraxyada.
Isgoyska Xaawo taako iyo dhismayaasha ku dhow ayaa ka mid ah meelaha aadka u burburay, sidoo kale Laamiga ayaa la arkayaa in uu dumay meelaha qaar.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa 2aad oo ka dhacay agagaarka Maqaayad lagu magacaabo Banooda oo u ku taalla agagaarka Taallada Daljirka Daahsoon.
Dhaawacyada ayaa waxaa qaadaya Gaadiidka Gurmadka deg degga ah oo geynaya Isbitaallada kala duwan ee Magaalada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
