Muqdisho | QOL | Diseembar 22- 2018 –TKu dhawaan 15 Qof ayaa ku geeriyootay halka dad intaas ka badan ay ku dhaawacmeen kaddib labo qarax oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Dadka ilaa hadda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah afar qof oo ka mid ahaa shaqaalaha TV-ga Universal oo uu ku jiro Wariye Cawil Daahir Salaad.
Sidoo kale weerarka maanta waxaa uu dhaawacyo ka soo gaaray Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo ilaaladiisa ay ku dhinteen weerarkaas.
Waxaa kale oo uu dhaawac soo gaaray Xildhibaan Warsame Joodax oo isaguna ilaaladiisa qaar ka mid ah ay ku dhinteen weerarkaas.
Shaqaalaha Universal ayaa ku dhintay qaraxa 1aad ee ka dhacay agagaarka Tiyaartarka qaranka, halka Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir uu ku dhaawacmay qarax 2aad oo ka dhacay agagaaarka Taallada Daljirka Daahsoon.
Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in labo qof oo ka degay Gaariga waday qaraxa 2aad ay Ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen.
Xildhibaan Warsame Joodax oo isaga oo dhaawac ah la hadlay Idaacadda Mustaqbal in isaga uu soo gaaray dhaawac fudud laakiin ay ilaaladiisa ku dhinteen qaraxyada ka dhacay Muqdisho.
Sidoo kale waxaa jira dad badan oo rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
La soco wixii soo kordha.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
