Nabad Sugidda oo sheegtay in ay qabatay dadkii fuliyay qaraxyadii maanta

Muqdisho | QOL | Diseembar 22, 2018 –Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay madaxii howlgalkii qaraxyada ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo qof waday gaariga 2aad ee Qarxay.

Qoraal lagu daabacay Twitter-ka Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in labadaasi qof lagu qabtay howlgal sida ay sheegtay ay ka qeyb qaateen dadka shacabka ah.

NISA, waxaa ay sheegtay in qaraxa 2aad uu qarxay iyaga oo gacanta ku haya islamarkaana uu qarxay xilli laga fogeeyay dadka shacabka ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *