Qodobada Looga Hadli Doono Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka

Muqdisho | QOL | Sepetmebr 17, 2018 —Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxa ay kal-fadhiga 4aad kulankiisa labaad ku  ku yeelan doonaan Xaruntooda Magalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa  xildhibaanada baarlamaanka waxaa loo diray farriimo lagu wargeliyey in uu Maanta jiro kulanka Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa kulankooda Maanta waxa ay uga hadli doonaan Amniga Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho xilli habeen ka hor Muqdisho lagu dhaawacay mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa todobaadkii hore waxa uu sheegay in amniga Magalada Muqdisho aan la isku haleen karin,isla markaana xildbibaanada baarlamaanka ay is ilaaliyaan

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

——————————————-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *