Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Muqdisho kula kulmay xubno ka socda Beesha Caalamka

Muqdisho | QOL | August 27, 2018 – Kulankaan  uu  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Khayre  David William Concar  Safiirka Uk e Soomaliya  ayey  ugu  wada  hadleen   xoojinta    xariirka Tariikhiga ah ee ka dhaxeeya  Soomaaliya iyo Ingiriiska   iyo horumarinta iskaashiga Dhinacyadda Amniga  iyo  dhaqalaha..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka UK ee Soomaliya  David William Concar, waxayna uga wada hadleen xoojinta    xariirka Tariikhiga ah ee ka dhaxeeya  Soomaaliya iyo Ingiriiska   iyo horumarinta iskaashiga Dhinacyadda Amniga  iyo  dhaqalaha.

Safiirka  dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mr. Concar  ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey horumaradda ay ka samaysay dowlad wanaagga, la dagaalanka musuq maasuqa iyo Sugida amniga.

Dhanaca kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xafiiskisa  isla maanta kulan kula yeeshay xubno ka socday  Midowga Yurub   kaas  oo looga hadlay  horumarinta iskaashiga ka dhaxeeya Midowga Yurub  iyo Soomaaliya  ee ku aadan  Dar-dar galinta mashaariicda horumarineed ee ay Soomaaliya ka wadaan.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *