Faahfaahin Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho | QOL | August 27, 2018 –  Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan  Qarax maanta ka dhacay Warshadii hore ee Caanaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in lala eegtay gaari Nooca raaxad ah oo maraayay Warshaddii hore ee Caanaha ee Muqdisho.

Qaraxa meesha uu ka dhacay, waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan 14-ka October.

Darawalkii waday gaariga qaraxa lala eegtay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana sidoo kale dhaawacmay ruux kale oo la sheegay in uu gaariga saarnaa.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta ka qaaday dhaawaca labada ruux ee saarnaa gaariga gaaribta ah ee Qaraxu ha leelay.

Ciidamada Ammaanka ayaa sidoo kale howlgallo ka sameeyay goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Wali lama shaacin Magacyadda iyo Waxyaabaha ay qaban jireen Shaqsiyaadka ku dhaawacmay Qaraxa.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *