Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo kulan deg deg ah yeelanaya

Muqdisho | QOL | August 26,2018 – Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in xubnaha baarlamaanka ee dowlad deegaanka Shacbiga dimuqraadiga Itoobiya ay Magalada jigjiga ku yeeshaan kulan deg deg.

Dhawaan Madaxweynaha Cusub ee DDSI waxa uu sheegay in la badalayo Calanka iyo Magaca deegaanka,waxaana laga yaabaa in Maanta xildhibaanada ay arrintaasi ka hadlaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Cusub ee KMG ah ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar oo ku sugsn Adis Ababa ayaa saacadaha soo socda soo gaari doono jijiga kaas oo la filayo in uu kulanka ka qeyb galo.

Amaanka Magalada Jigjiga ayaa aad loo adkeeyey,waxaana xarumaha Maamulka lagu arkayaa Ciidamada liyuu boolis,iyada oo ay horay u joogeen ciidamada Millateriga Federaalka Itoobiya balse laga qaaday.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *