Duqa Muqdisho oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Muqdisho | QOL | August 16, 2018 –  Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xilka qaaday C/qaadir C/raxmaan Ibraahim oo ahaa Agaaisimihii Waaxda Dalxiiska iyo Maalgashiga gobolka Banaadir, wuxuuna xilkaasi u magacaabay C/fataax Maxamuud Siyaad.

Duqa Muqdisho ayaa warqadan oo isugu jirta magacabis iyo xilka qaadis ee ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu ogeysiiyay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.

Dhameystirka wixii ka dhiman xeerkan fulintiisa ayaa waxaa loo xil saaray Waaxda shaqada iyo shaqaalaha gobolka Banaadir, si shaqada loo dardar geliyo.

gbanadir-agaasimaha-dalxiiska

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *