Booliska Itoobiya oo qabtay hub iyo Waxyaabaha Qarxa

Muqdisho | QOL | August 14, 2018 –  Ciidamada Booliska dowlad degaanka Tigreedda ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay qabteen hub iyo Waxyaabaha Qarxa oo la doonaayay in lasoo galiyo Gudaha dowlad degaanka.

Waxa ay sheegeen Ciidamada Booliska in qaar ka mid ah dadka degaanka ay soo sheegeen in Qaraxyo hub loo soo waddo Caasimadda dowlad degaanka Tigreedda.

Tirada walxaha qarxa ee la qabtay waxaa ay gaareysaa 425 xabbo oo qaraxyo ah,kuwaas oo uu culeyskooda gaarayo 75KG.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Tigreedda ayaa sheegay in ay ku wareejiyeen Ciidamada Booliska Federaalka ee Itoobiya, dadkii watay hubkaasi, islamarkaana hadda lagu waddo Baaritaano.

BOLISKA-ITOBIYA-HUB-QABTAY-2 BOLISKA-ITOBIYA-HUB-QABTAY-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *