Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaallaha

Muqdisho | QOL | August 13, 2018 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Intii ay ku guda jireen kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal si gaar ah siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaallaha.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Siciid Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha Waaxda Eeshiya Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim.

shinaha-somalia-1shinaha-somalia-2 shinaha-somalia-3 shinaha-somalia-4

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *