Madaxweyne Gaas oo u dhoofay Garacad iyo RW Kheyre oo kusii jeedda Bari

Muqdisho | QOL | July 31, 2018 –  Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kusii jeedda degaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in uu halkaasi ka dhagax dhigo deked maalmihii lasoo dhaafay dadka degaanka ay wadeen Abaabulkeeda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka cudurdaartay in uu dhagax dhigo dekedda Degaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa kusii jeedda degmada Qardho ee gobolka Bari.

Waxaa lagu waddaa in uu halkaasi uu kulamo kala duwan kula qaato qeybaha kala duwan ee Bulshadda gaar ahaan Odayaasha dhaqanka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *