Gudoomiyaha Maxkamadda G/Banadir Oo Amray In La Xiro Saraakiishi Ka Dambeysay Xariga Agaasimaha Wasaradda Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka

Muqdisho | QOL | July 30, 2018 –Gudoomiyaha Maxkmadda G/Banadir Muse Maxamed aya saaka si hordhac ah u dhagaystay dacwada agaasimaha  wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dahir Nuur oo habeenki khamiisti ciidamo boolis ah ay ka so qabteen xaafadisa xili saq dhexe .

Gudoomiyaha ayaa amray xariga 2 sarkaal oo CID  oo amray xariga agaasimaha sida  Ay Inoo Xaqiijiyeen Masuuliyiin Gobjoog u ah Dhagaysiga Dacwadaasi  Labada sarkaal aya lagu kala maagcaabaa Maxamed Cabdi Axmad iyo Farxan C/xakin mursal

Saraakiisha ayaa loo heystaa in ineysan dariiq sax ah u marin xariga agaasimaha iyo ineysan heysan warqad amar soo qabasho iyo sido kale cadeymaha eeda oo aan cadeyn.

 

la soco wixi so kordha.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *