Madaxweynaha Puntland ”Waa In La Fuliyaa Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Brussels

Muqdisho | QOL | July 23, 2018 –  Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa  sheegay hadalkaan xilli uu Maanta dib ugu soo laabtey Magalada Garoowe ka dib markii uu ka qeyb galay shirkii Magalada Brussels.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid dan weyn ugu jirto dadka Soomaaliyeed,isla markaana dhammaan qodobadii ka soo baxay ay ahaayeen kuwo xilligaan  u baahan yahay dalka.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Madaxda Soomaalida ay fuliyaan qodobadii ka soo baxay shirka Magalada Brussels taas oo uu rajeynayo in dalkaan uu wax badan isbedeli doono hadii sidii loogu heshiiyey loo fuliyo.

Shir Jaraa’id uu ku qabtey Magalada Garoowe ayaa wax auu sidoo kale kaga hadlay Madaxweyne Gaas kulamo Nairobi iyo Turkiga uu kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadamadaas ku nool.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *