Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Madaxweynihii Horre Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdsiho | QOL | July 10, 2018 –Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu u degan yahay dalka Turkiga.

01 02

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *