Guddoomiye Mursal oo ka qeyb galaya furitaanka kal-fadhiga 5aad ee Baarlamaanka K. Galbeed

Muqdsiho | QOL | July 9, 2018 –  Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu ka furmo kal-fadhiga 5aad ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Furitaanka kal-fadhiga ayaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo shalay gaaray Magalada Baydhabo.

Wasiirka Beeraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa u sheegay Radio Dalsan in guddoomiye Mursal uu xalay la kulmay golaha Wasiirada,Xubno ka tirsan guddiga Baarlamaanka iyo Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Xaflada Furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed diyaar garoowgeeda ayaa haatan ka socota Magalada Baydhabo,waxana aad loo adkeeyey amniga Magalada iyo Xarumaha Maamulka,sidoo kale waxaa magalada lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo kan gaarka u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

 

 

 

 

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *