Guddoomiyihii Degmada Hodan Oo Xilka Laga Qaaday xil kalane Loo magacaabay

Muqdisho | QOL | July 06, 2018 – Maxamed Axmed Cantoobo Guddoomiyihii degmada Hodan ayaa maanta xilka loga qaaday, iyadoo xil kalane loo magacaabay Gudoomiyey Cantoobo.

Sida warar hoose oo ay heshay Shabakada Qaranimo Online ay tilmaamaya xil ka qaadista guddoomiyihii degmada Hodan ayaa waxay horudhac u tahay xil ka qaadis dhowr ah oo ku socota Guddoomiyaasha degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.

Maxamed Axmed Cantoobo ayaa isla maanta loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha bulshada ee maamulka Gobolka Banaadir, iyadoona xilkaasi uu horay u hayay Saalax Xasan Cumar oo isna loo magacaabay Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *