Somaliland oo u dabaal degeysa 18-ka May

Muqdisho | QOL | May 15, 2018 –  Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliland waxaa maanta laga oogay, munaasabadda 27 guurada Xuska 18-ka May oo ah maalintii ay Soomaaliland sheegatay inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Maanta taariikhda waxay ku began tahay 15-ka May, waxaana Somaliland ay xuskeeda ka soo hormarisay waqtigii xuska loogu tala galay oo 18-ka May ku beegan, bisha Ramadaan awgeed oo xilligaasi la guda galayo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan bartamaha magaalada Hargeysa, halkaasi oo gaada ka ciyaar ay ku soo bandhigayaan ciidanka kala duwan ee maamulka Somaliland.

sland-18-may-18-3 sland-18-may-18-2 sland-18-may-18-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *