Shirkada Madaxweynaha Galmudug oo ka hadalay arin muhiim u ah maamulkiisa

Muqdisho | QOL | April 10, 2018 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa waxaa uu ka hadlay dhismaha la qorsheynayo in lagu smaeeyo Dekadda Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in afartan Sano wax ka badan uu maqlayay in la dhisayo dekadda Hobyo hayeeshee uusan marna arag dekaddaas oo la dhisayo.

Ganacsatada iyo dadka wax heysta in ay ka qeybqaataan dib u dhiska dekadda Magaalada Hobyo ee Gobolka, Mudug, waxaana uu Ganacsatada iyo maalqabeennada ku dhiirra geliyay in maamulkiisa uu bixinayo dhul laga dhisto Hoteello oo Hobyo ku yaalla.

Waxaa uu sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay sidii loo heli lahaa dib u dhiska Dekadda Magaalada Hobyo, waxaana uu ballan qaaday in marka uu dhamaado Ramadaanka soo socda ay billaabaneyso dhismaha Dekadda Magaalada Hobyo.

Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay in dowladdu aysan lahayn hanti hayeshee ay wax ku leedahay hantida dadkeeda islamarkaana dadka looga baahanyahay in ay bixiyaan waxyaabaha ay ku shaqeyso dowladda.

Xaaf ayaa sheegay in aanay jirin cid ajannabi ah oo ay ka doonayaan kaalmo, isaga oo sheegay in ay muhiim tahay in ay isku tashtaan dadka Galmudug islamarkaana ay dhistaan Dekadda Hobyo iyo waddooyinka.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *