Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Lagaga Hadlay Sharciga Bixinta Dhulalka

Muqdisho | QOL | 29, Maarso 2018 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada.

Kulanka maanta ayaa diirada lagu saaray qodobo kala duwan iyadoo ugu horayn Madaxweynahu uu faah faahin ka bixiyay xaalada guud gaar ahaan Siyaasada iyo amaanka.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu socdo dardar galinta howlaha isku dubaridka Hay’adaha amaanka gaar ahaan Ciidamada qalabka sida.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu hoosta xariiqay in xaalada Siyaasada iyo amaanku ay yihiin kuwo caadi ah oo sidii loogu talagalay kusocda.

Madaxweynahu waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay sharciga dhismaha dhulka iyo bixintiisa oo uu xalay saxiixay isla markaana dhaqan galintiisa ay iska kaashanayaan Wasaarada Howlaha guud iyo Wasaaradaha bah wadaagta la ah.

Shircigan oo in mudo ah laga soo shaqaynayay ayaa noqonaya kii ugu baahida badnaa ee dhawaanahan ay golahu meel mariyaan iyadoo muranada dhulka la xiriira ay ahayeen caqabada ugu weyn afartii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aaadan ayaa ka warbixiyay shirar uu kaga soo qayb galay Magaalada Nairobi kuwaas oo lagaga hadlayay arimaha hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga.

0005 0006 004

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *