Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo gaaray degmada Hobyo

Muqdisho | QOL | February 27  2018  – Olgan Bekar Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya  ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana safiirka ku soo dhoweeyay degmada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo xubno tirsan Galmudug.

Safiirka dowladda Turkiga ayaa waxaa booqday xarumo dhowr ah sidda goobta laga dhisaayo Dekedda degmada Hobyo.

Dowladda Turkiga ayaa sameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu waddaa in dowladda Turkiga ay Mashaariic ka hirgaliso degmada Hobyo

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay doorka ay Turkiga ka qaadan karaan hormarinta magaalooyinka Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo oo ah meel taariikhi iyo istiraatiiji ah

11 12

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *