Xukuumadda oo Sheegtay in Ciidamada Dowladda ay la wareegeen Deegaanka Baladul-Amiin.

Muqdisho | QOL |  29 November, 2017 —Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda federaalka ay Saaka la wareegeen Deegaanka Baladul-Amiin oo Hoos taga Degmada Wanla weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Injireen Yariisow ayaa ku yiri war uu soo dhigay Bartiisa:- “Ciidanka Xooga Dalka ayaa saakay howlgal ay ka fuliyeen deeganka Baladul-Amiin oo hoostaga degmada Wanlaweyn ka sifeeyey maliishiyaadkii argagaxisada Al-Shabaab”.

Ciidamada Dowladda ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe oo Maamul ahaan Hoos taga Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle

Ma jiro war kasoo baxay Al-Shabaab oo ay kaga hadlayaan kala wareegista Deegaanka Baladul-Amiin oo kamid ah Deegaanada Hoos taga Degmada Wanla-weyn

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *