Sheekh Mukhtaar Roobow Oo gaaray Bakool

Muqdisho | QOL |  29 November, 2017 —Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhawaan kusoo biiray dowladda Soomaaliya horayna uga tirsanaan jiray dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa maanta gaaray Magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Safarkiisa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii Hore ee Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Gooni, Xildhibaano iyo Xubno kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka gobolka Bakool ayaa kusoo dhaweeyay Magaalada Xudur Sheekh Mukhtaar Roobow.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta uu u tagay gobolka Bakool, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu kulamo la qaadan doono maamulka Koonfur Galbeed.

24177186_2071440779752615_4144290426913276638_n (1)

Hhhh1440786419281_6039154427175373887_n

24177186_2071440779752615_4144290426913276638_n (1)

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *