Sawiro:-Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Ka Hadalay Qaraxii Ka Dhacay Zoobe

Muqdisho | QOL | 16 October 2017 –Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhawaan kusoo biiray dowladda Soomaaliya ,islamarkaana horay Al-Shabaab uga tirsanaan jiray ayaa ka hadlay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ,islamarkaana uu kasoo horjeedo in la dilo dadka Shacabka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dadka Muslimiinta ah laga doonaayo in ay muujiyaan iscaawin.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa u mahadceliyay dowladda Turkiga uu sheegay in ay garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale booqday Isbitaallada Magaalada Muqdisho,isagoona dhiig Shubay.

m1  m3 m6 m7 vvvvvvvvvvvvvvvvvv

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *