Dagmooyin Hor leh Oo Lamagacaabay

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta magacaabay 4 degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan,waxaana uu horay u magacaabay 3 degmo kale.

Degmooyinka maanta la magacaabay ayaa kala ah Moqokori,Feerfeer,Buq Aqable iyo Buurweyn oo dhamaantood ka wada tirsan Gobolka Hiiraan.

Todobaadkii hore saddexda degmo ee uu sidoo kale Gobolka Hiiraan ka magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Halgan,Ceel Cali iyo Farlibaax.

Magacaabistii hore ayaa waxaa ka dhashay in beelaha qaar ay dood ka keenaan islamarkaana sheegaan in ay kalsoonida kala laabteen Maamulka Hirshabeelle ee uu madaxweynaha ka yahay Cali Cabdullahi Cosoble.

Magacaabista maanta ayaa waxaa ay ka dhigeysaa in hal todobaad uu Madaxweynaha Hirshabeelle todobo degmo ka magacaabay Gobolka Hiiraan oo kaliya iyada oo dhanka Shabeellaha dhexe aan wali la magacaabin.

xxxxxxxxxxxxx

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *