Gudoomiye Jawaari Oo U An babaxay dalka Koonfur Afrika

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta u ambabaxay dalka Koonfur Afrika, halkaasi oo uga qeybgalayo shirka Guddomiyaasha  Baarlamaanada Qaaradda Afrika.

Gudoomiye Jawaari ayaa lagu waddaa in uu khudbad dheer uu ka jeediyo Shirka Baarlamaanka Afrika oo Berri Koonfur Afrika ka furmi doono.

Kulanka Jawaari uu ka qeyb gali doono ayaa waxaa looga hadlaya  xaaladaha ka taagan qaar kamid ah dalalka Africa iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Baarlamaanada Afrika.

Xarunta Baarlamaanada Africa ayaa waxaa ay ku taala magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *