Guddoonka wakiillada Somaliland oo iscasilaya

Muqdisho  | QOL |  August 2, 2017— Guddoomiyihii golaha Wakiillada Somaliland C/Raxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro ayaa iska casilay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.

Kulanka Golaha wakiillada Somaliland ee maanta ayaa waxaa soo xaadirtay 71 Xildhibaan waxaana cod ay u qaadeen kaddib oggolaatay is casilaaddiiisa 70 Xildhibaan isaguna ma uusan codeyn.

Cirro ayaa 13 November u tartamaya XIlka Madaxweynaha Somaliland waxaana uu wakiil ka yahay Xisbiga dhawaan galka ah ee Waddani.

C/Raxmaan Cirro waxaa ay xilkaas ku tartami doonaan Muuse Biixi Cabdi oo u tartamaya Xisbiga Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo u tartamaya Xisbiga Ucid ee Somaliland.

Ku xigeenkii C/Raxmaan Cirro ayaa isna si casilay waxaana uu isaga u tartamayaa xilka Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *