Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ka wada hadlay xiisada wadamada Khaliijka

Muqdisho  | QOL | June  21, 2017—Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan laqaatay safiirka dalka Imaaraadka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen arrimo quseeya xaaladda bangiyada iyo xawaaladaha Soomaalida ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Beyle ayaa sheegay inuu safiirka kala hadlay sidii xasilooni darrada siyaasadeed ee Khaliijku uusan saamayn kuyeelan shaqooyinka xawaaladaha iyo bangiyada Soomaalida ee Imaaraadka Carabta.

Warkaan ayaa wasiirka maaliyada Soomaaliya Dr acbdiraxmaan ducaale beyle waxa uu soo dhigay Brta uu ku leeyahay Facebook,isagoo kaga hadlayay kulanka uu la qaatay safiirka Imaaraadka ee dalka Soomaaliya

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *