Maxkamad C.Q.S Oo Kun Dil ah Ku Riday Ragii Kadaneeyey Dilkii Wasiir Siraaji

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017—–Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta markale u fariisatay Dacwadii loo heestay ragii dilay Wasiirkii howlaha guud iyo guryenta xukuumada Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraajo oo dhowr mar dib loo dhigay.

Maxkamada ayaa ugu dambeen Maanta soo saartay Go’aankii ugu dambeeyay oo ah Xukun dil toogasho ah oo lagu riday Axmed Cabdullaahi cabdi oo loo heesto in uu isaga gacantiisa ku dilay Marxuum Cabaas Cabdullahi Siraaji.

Sidoo kale Maxkamada ayaa  waxay Amartay in xabsiga laga siidaayo  Cusmaan Salaad Barre oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, oo ka mid ahaa labadii loo heestay dilkaas hadii aan loo haysan dambi kale.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalbaka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda.

0007 0003 001

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *