Dhagayso:-Dowlada Soomaliya Oo Ka Hadashay Dhaliyaro Katirsan AL-shabaab Oo Isa Soodhiibay

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017—–Wasiirka Wasaaradda Gaanshaadhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa VOA u sheegay in dhalinyaro ka badan 50 ay isku dhiibeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay isasoo dhiibeen tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in cafis loo fidyay dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab.

Waxaa uu tilmaamay in dhalinaradaasi badankood ay iska soo dhiibeen gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Labadii ugu dambeysay ayaa Shalay isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Laanta Buuro.

Halkan Ka Dhagayso 

Wasiirka ayaa sheegay in dhaqan celin iyo nolol wanaagsan ay u sameyn doonaan dhalinyarada kasoo baxda Al-Shabaab.

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *