Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo kulamo ka wadda Caabudwaaq

Muqdisho  | QOL | June 05, 2017—–Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaalle Xaaf oo wali ku sugan Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa wali halkaasi kulamo kula leh qeybaha kala duwan ee Bulshadda kunool Magaaladaasi.

Mudane Xaaf ayaa sidoo kale maanta lagu waddaa in uu dhagax dhigo xabsi loogu tala galay in lagu xiro dadka dambilayaasha ah ee dhibaatada ka wadda Magaaladaasi.

Madaxweynaha Galmudug oo shalay Gaaray Magaalada Caabudwaaq ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah waxgaradka Beelaha degan Magaaladaasi.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la xaqiijiyo Ammaanka Magaalada Caabudwaaq.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *