Cali Maxamuud Jimcaale oo ka Baxsaday qarax la doonayay in lagu dilo

Muqdisho  | QOL | June 04, 2017 —Waxa shalay, gelinki dambe ka dhacay Degmada Wadajir qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah  kaas oo loogu talo galay in lagu dilo, Madaxa canshuuraha Degmada Dharkeenley Cali Maxamuud Jimcaale, balse ka baxsaday asaga oo bad qaba, balse uu ku dhintay darawalkii gaariga u waday.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay oo aheed xaafadda Kaawo Godey, ciidamada ayaana ku guuleesan in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi miino.

Shalay ayey aheed markii ciidamada amaanka sidoo kale fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay laamiga ku dhaw Iskuulka 21-Octoper, waxaana hada Muqdisho kusoo laabanaya qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka iyo ayada oo an la qaban dadki falka ka dambeeyay.

WQ:- Ali Omar Ghedi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *