Dhagayso:-Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho  | QOL | May  17, 2017 –Gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Axmed Cabdulle Afrax ayaa idaacadda Q.O.L waramay Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo maanta ku qarxay degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Gaariga oo ay wateen labo wiil in  ay ka shakiyeen Ciidamada Ammaanka.

HALKAN KA DHAGAYSO

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gaarigaasi uu qarxay Markii Ciidamada Ammaanka ay qabteen ,islamarkaana ay waxyeelo soo gaartay Askar ka tirsan Ciidamada dowladda .

Ciidamada Ammaanka ayaa qabtay nimankii waday Gaariga waxaana toogasho lagu dilay mid ka mid ah  midkii kalena uu baxsaday.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw Saldhiga Degmada Wadajir.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *