Sarkaal Katirsan Al-Shabaab Oo Lagu Dilaya Goba;ka Gado

Muqdisho | QOL | May  13, 2017 –Ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dileen Sarkaal Sare oo ka tirsan  Al-Shabaab ,kaasoo ku sugnaa gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, waxaana Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray  C/laahi Cali Shire (Baxar).

Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka Sarkaalkaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dhaqdhaqaaqyo uu ku doonaayay in uu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab ee gobolka Gedo.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Sarkaalkaan lagu dilay gobolka Gedo.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *