Shacabka Deeganka Galin soor Oo Cabasha Badan Kamuujinaya Dhibaatooyin Ay U geestaan Ciidamada liyuu Boolis

Muqdisho | QOL | May  08, 2017 —Shacabka kunool degaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa ka cabanaya dhibaato ay ku hayaan ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Gudoomiyaha degaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud oo la hadlay QARANIMO.COM ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ay gudaha u soo galeen degaanka, islamarkaana ay xabado ku rideen Shacabka.

Cali Saciid Axmed Cabdulle ayaa tilmaamay in Ciidamada Itoobiya ay soo daba raaceen dadkii ay kasoo barakiciyeen degaanka kaxaan dhaale ee gobolka Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ay ku hayaan ciidamada Itoobiya dadka Shacabka ah.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *