DHAGAYSO:- R/wasaare ku xigeenka dalka oo xariga kajaray xarunta isku dubaridka gargaarka

Muqdisho, Abriil 19, 2017 – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa Maanta lagu daah furay Xarunta Isku dubaridka Gargaarka Abaaraha,waxaana kasoo qaybgalay Munaasabada R/Wasaare ku xigeenka dalka,Wasiiro iyo Diblamaasiyiin Shisheeye.

Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xariga ka jaray Xaruntan ayaa sheegay in ahmiyada koowaad ee Xukuumada R/wasaare Khayre ay tahay sidii xal loogu heli lahaa Abaaraha kajira dalka.

R/wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay iney samaystaan Biyo Xidheeno,isla markaane ay kordhiyaan kana  faa’iideystaan Wax Soo Saarka Dalaga Beeraha iyo Abuurka Calafka Xoolaha si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhasha Abaaraha.

HALKAN KA DHAGAYSO 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *