Madxweenaha Maamulka Jubalan Oo Dhaliilay Beesha Caalamka

Muqdisho | April 17, 2017-–Madaxweynaha Maamul Goboleedka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay gaabiyeen wax u qabashada dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka ay u soo gurman doonto dadka Soomaaliyeed marka ay abaarta ku baaba’aan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in beesha Caalamka aysan waxba u qaban Bulshada Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay muujiyaan isku tashi,islamarkaana ay isgargaaraan.

Beesha Caalamka ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay dhibaatooyinka jira Soomaaliya aysan ka qeyb qaadan marka loo baahan  yahay in wax laga qabto.

 

HALKAN KA DHAGAYSO :-

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *