Dooni ay saarnaayeen muhaajiriin oo ku qalib matay xeebta dalka Liibiya

Muqdisho | QOL | Maarso 24, 2017 – Wararka naga soo gaaraya Xeebaha dalka Liibiya ayaa waxa ay sheegayaan in dooni ay saarnaayeen labo boqol oo qof ay ku degtay xeebaha dalkaasi.

Dadka ay doonidu la degtay ayaa waxa ay ahaayeen Tahriibayaal.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Liibiya ayaa waxa ay sheegeen in la helay meydka 5 qof,islamarkaana intii kale ay ku maqan yihiin Badda.

Doonida oo ay saarnaayeen  240 tahriibayaal ah ayaa shiraacatay xeebaha dalka Libya.

Dadka saarnaa doonidaasi ayaa la sheegay in ay ku jireen dad kasoo jeeda Bariga Afrika.

.

.

W/Q :BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *