Maxbuus isku dal dalay Xabsiga Berbera..

Muqdisho, November 28, 2016: Wararka nooga imaanaya magaalada Berbera ee maamulka Somalilanda, ayaa sheegay in maxbuus ku jiray Xabsi ku yaalo magaaladaasi uu geeriyooday ka dib markii uu is daldalay.

Sababta rasmiga ee maxbuuskaasi isku dilay, weli lama ogaa balse waxaa jirta warar sheegaya in daruufo adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto Xabsiga Berbera.

Waxaa jira maxaabiis kale oo laga furay xariga uu isku dal dalay qofka geeriyooday,kuwaasi oo iyagana doonayay iney is dilaan inta xabiska ku jireen.

Maxbuuska is daldalay ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim  Waceys Aadan halka mid kale ee la badbaadiyayna la yiraahdo Cabdi Cali Xaashi. Lama oga sida ay ugu suurtogashay maxaabiistan inay helaan qalab ay isku daldali karaan.

Wasiirka cadaalada maamulka Somaliland ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay is daldalaada ayna saxaafada u soo bandhigi doonaan, ka dib marki baaritaankaas uu dhamaado.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *